Xoolo gaaraya 700 oo kun oo neef, ayaa xalay laga raray Dekedda magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland, kuwaas oo loo iibgeeyay qaar kamid ah dalalka khaliijka.
Xoolahan ayaa si gaar ah loogu rarary dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Baxreyn, waana xoolihii ugu badnaa ee in muddo ah laga dhoofiyo Dekedda Boosaaso, sida uu sheegay Wasiirka Dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekedda, ayuu ku sheegay Wasiir Axmed Yaasiin in xoolahan la raray ay qeyb ka yihiin xoolo fara-badan oo maalmaha soo socda laga dhoofin doono Dekedda Boosaaso, kuwaas oo loo iibgeyn doono dalalka carabta.
Sidoo kale, Wasiirka Dekeddaha Puntland ayaa xusay in dhoofinta xoolaha ee xilliga habeenka ah ay muujinayso habsami u socodka shaqada Dekedda Boosaaso, oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World oo aan weli wax shaqo ah ka qaban.
BOSASO ONLINE