Xoghayaha Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed “SJS” oo lagu xiray Muqdisho

Wararka ka imaanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in la xiray Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, Mudane Cabdalla Axmed Muumin.

Ciidanka Nabad-sugida Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen xariga Xoghaye Cabdalla Muumin.

Cabdalla Axmed Muumin ayaa la sheegay in xarigiisu daba socdo tallaabada ay shalay kaga horyimaadeen Ururrada suxufiyiinta dalka, go’aankii Dawladda Soomaaliya ay ku joojisay baahinta warbaahinta maxaliga ah ee wararka kasoo baxa Alshabaab.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS