Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta yeelanaya kulan, kaas oo ay codka kalsoonida ugu qaadi doonaan Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.
Farriin loo diray sabtidii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka Golaha oo qabsoomay berri oo axad ah, codka kalsoonida ahna loogu qaadayo Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze.
“Beri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.
Agendaha ‘1. U codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda’.
Olale xooggan ayaa ay wadeen Wasiirada magacaaban, ayaa maalmihii u dambeeyay ka socoday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo kulamo la yeelanayay xubnaha Golaha Shacabka BJFS ee beelahooda kasoo jeeda.
BOSASO ONLINE