Xasan Sheekh “Waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug, ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha JFS ayaa xusay in uusan jirin aargoosi siyaasadeed oo la xariira kala aragti duwanaanshihii xillligii doorashada, sida ay aaminsan yihiin dadka qaar, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug in uu hanto quluubta bulshadiisa.

“Madaxweyne Qoorqoor waxaa leeyahay wax ka ba’an ma jiraan ee dadkaada qalbigooda lee hel, cid kaloo ku heysan karta ma lahan, talada reer Galmudug ayay kaa jirtaa, Galmudug bannaankeeda wixii ka socdo inaan yac dhahno annaga nagala rabaa”.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS