Xasan Sheekh oo u duulay dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Xariirka DFS iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaa tan iyo sannadkii 2018kii, kaddib markii Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo dollar, taas oo la sheegay in loo waday safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS