Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Xamze Cabdi Barre, ayaa sheegay in macquul tahay inuu khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay Ra’iisul Wasaare Xamze, in ay yihiin dad ‘Bani’aadam’ ayna is khilaafi karaan, kuna kala aragti duwanaan karaan waxyaabaha qaarkood, balse uusan rajeynay in arrintaas ay khilaaf weyn isku badasho.
“Annagu Bani’aadam baan nahay, waan is khilaafi karnaa aragtiyo kala duwan waxyaabaha qaarkood waa ka muuqan karaan, laakiin waxaan rajeynayaa in aysan marna gaarin inay arrintaas khilaaf weyn isku badasho, ama ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in haddii uu yimaado khilaaf soo kala dhexgala isaga iyo Madaxweynaha, uu hubo inay heli doonaan farsamo ay ku xalistaan.
“Anniga iyo Madaxweynuhu haddii aan aragti ku kala duwanaano mucayana, waxaan hubaa inaan helayno farsamo aan ku xalisano, iyadoo aan meelna waxba lala aadin.”
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay wada shaqeyn dhow la yeelan doonto Dowladaha xubnaha ka ah DFS.
BOSASO ONLINE