Xamse Barre “Hal milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay Abaarta dalka ka jirta”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay in hal milyan oo Soomaali ah ay ku barakaceen Abaarta ka jirta dalka, kuwaas oo aan heysan Biyo iyo Baad.

Shir jaraa’id oo uu xalay qabtay Ra’iisul Wasaare Xamze, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada XFS ayuu ku sheegay in dalku uu qarka u saaran yahay macluul.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in laga wada qeyb-qaato gurmadka Abaaraha, si looga hortago musiibooyin ka dhasha Abaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay in dib loo howlgaliyo ‘Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya’, Waxaana Ra’iisul Wasaare Xamze uu magacaabay Guddi ka kooban Wasiiro, culimo-awdiiin, bulshada rayidka ah iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya jiheynta gurmadka Abaaraha.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS