Garoowe (Bosaso Online) Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay weerar ku qaaday guriga Abdirizak Mohamed Farah, Agaasimihii hore ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Gurigu oo ku yaalla xaafadda Mubaarak ee magaalada Garowe. Weerarkan ayaa sababay geerida Abdiwali Mohamed Farah, darawalkii gaariga, kaasoo sidoo kale ahaa walaalka Agaasimaha.
Agaasimaha ayaa noo xaqiijiyey inuu isagu ahaa bartilmaameedka weerarka, balse uusan gaariga saarneyn xilliga la tooganayay walaalkiis (Allaha u naxariistee). Xabadaha ayaa lagu furay gaariga Agaasimaha xilli uu guriga galayey.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in weerarkani uu daba socdo hanjabaado iyo weerarro hore loogu qaaday ama muddo sanado ah ku socdey, sida in qarax xooggan lagula beegsadey dhowr sano kahor. Qaraxaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhaawac halis ah soo gaadhay Agaasimaha, xilli uu ka shaqaynayay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya. Weerarkaas waxaa xiligaas sheegtay kooxda Al-Shabaab.
Abdirizak Mohamed Farah ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee Puntland in ay si degdeg ah u baaraan weerarkan foosha xun, lana sugo amnigiisa iyo kan guud ee shacabka Puntland. Ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan ma jirto, hase yeeshee agaasimaha ayaa noo xaqiijiyey in ay ka danbeeyeen kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo hore dhowr jeer u weeraray Agaasimaha.
Dhacdadan ayaa sii kordhisay walaaca amni ee ay qabaan masuuliyiinta Dawladda kuwii hore iyo haddaba xilalka haya, xilli uu weli socdo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, oo ka socda gobolka Bari, Puntland.
BOSASO ONLINE