Baarlamaanka Puntland oo maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhiggab 50-aad, ayaa u yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo uu horkacayo Wasiir Rashiid Maxamuud Yuusuf.
Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa warbixino la xariira xaalada xeebaha iyo kalluumeysatada Puntland, looga dhageysanayaa Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.
Intaas kaddib Xildhibaanada ayaa Wasiir Rashiid su’aalo ka weydiin doona ‘doomaha iyo maraakiibta’ shisheeye ee ku jira xeebaha Puntland, kuwaas oo jariif ku haya kheyraadka Badda, sidoo kalena mararka qaar dhibaatooyinka u geysta kalluumeysatada yar yar ee reer Puntland.
Baarlamaanka Puntland oo ku guda jira la-xisaabtan Xukuumadda, ayaa horey ugu yeeray Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Puntland, kuwaas oo la weydiiyay su’aalo adag oo la xariira shaqooyinka xarumaha ay maamulaan.
BOSASO ONLINE