Wafti uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland oo qarax lagula beegsaday Galgala + Sawirro

Boosaaso (Bosaso Online) – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa qarax Miino lagula eegtay buuraleyda Galgala ee gobalka Bari, halkaas oo ciidamada Puntland ay sanado badan ka wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Kolonyada Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland oo ka socdaashay magaalada Boosaaso, ayaa xilliga qaraxa Miino lala beegsaday marayay agagaarka deegaanka Galgala, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 askari, halka uu burbur kooban soo gaaray mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee galbiyay waftiga Wasiir Cabdullaahi.

Qaraxa kaddib, Waftiga oo sii watay socdaalkooda ayaa u gudbay jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland.

Waftiga Wasiir Cabdullaahi Cabdisalaan oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo saraakiil ciidan – ayaa safarkoodu la xiriira u kuurgalida xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland ee jooga jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo wadda howlgallo joogto ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana gacanta lagu dhigay shabakaddo argagixiso oo kooxahan uga howlgallayay gudaha magaalooyinka waa weyn (Gaalkacyo iyo Boosaaso).

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS