Villa Somalia oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka bogsaday COVID-19

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa shaacisay in baaris caafimaad lagu sameeyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, ay muujinayso in uu ka bogsaday cudurka COVID-19, oo laga helay dhowaan.

Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdikariim Cali Kaar, oo ka qeybgalayay Barnaamij ay su’aalo ku weydiinayeen dadweynaha, ayaa xusay in ‘Tijaabo caafimaad’ oo laga qaaday Madaxweynaha talaadadii laga weeyay cudurka, ayna xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay.

“Madaxweynaha waxaa laga qaaday ‘test’ mar kale, waxaana uu ahaa ‘negative’ Umadda Soomaaliyeed iyo inta xogta Madaxweynaha raadinaysay intaas baan u sheegaynaa.” ayuu yimid Af-hayeenka Villa Soomaaliya.

Cabdikariim Kaar ayaa intaas ku daray in Madaxweynuhu uu si rasmi u soo gali doono shaqada Qaran ee loo igmaday, isagoo sii raacaya tilmaamaha caafimaad, uuna sidoo kale la hadli doono bulshada Soomaaliyeed.

jimcihii, xilli uu kasoo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho maalmo qaadatay oo uu ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Villa Soomaaliya shaacisay in Madaxweynaha laga cudurka COVID-19.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS