ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay tobonaan kalana waa ku dhaawacmeen buundo ku duntay india

Ugu yaraan 40 qof ayaa ilaa hadda dhintay 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen,” ayuu yidhi Brijesh Merja, oo ah wasiir iyo sharci-yaqaan laga soo doorto Morbi. “Dhibaatooyinka ayaa kor u kici kara iyadoo howlaha samatabbixinta ay socdaan.”

Muuqaalo uu baahiyay TV-ga ayaa muujinayay tobanaan qof oo ku dheggan fiilooyinka buundada duntay, iyadoo kooxaha gurmadka ay la halgamayeen samata bixinta dadkaasi.
Press Trust of India news agency ayaa ku warantay in buundadu ay dabacday kadib markii ay xamili kari wayday dadkii dul saarnaa.
Buundada taariikhiga ah ee dhererkeedu dhan yahay 230 mitir waxa la dhisay xilligii Ingiriiska ee qarnigii 19-aad. Muddo lix bilood ah ayay u xidhnayd dayactir waxaana dib loogu furay dadweynaha todobaadkii hore.
Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa ku sugnaa gobolka uu ka soo jeedo ee Gujarat booqasho saddex maalmood ah markii uu shilkani dhacay.
“Waxa uu raadiyay abaabul degdeg ah oo kooxo samatabbixin ah. Wuxuu codsaday in xaaladda si dhow oo joogto ah loola socdo, oo loo fidiyo dhammaan caawinta suurtagalka ah kuwa ay saameeyeen, “Xafiiska Modi ayaa yiri.

 

 

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS