TPEC iyo Ururrada siyaasadda Puntland oo heshiis gaaray + Daawo

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo Ururrada siyaasadda Puntland oo maanta kulan qaatay saacado ayaa ka wada-hadlay xalinta cabashada Ururrada siyaasadda ee arrimaha doorashooyinka degmooyinka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in dib loo dhigo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, oo loo ballansanaa 13ka bishan December ay ka bilaabato goballada Bari, Gardafuu iyo Karkaar

Heshiiskan ayaa dhigaya in 5 bisha Janaayo, ee sanadka cusub 2023 la bilaabo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, inta ka horeysana la xaliyo waxyaabaha ay ka cabanayaan Ururrada siyaasadda Puntland.

Ururrada siyaasadda ee Puntland ayaa dhowaan soo jeediyay 13 qodob oo ay shuruudo uga dhigeen ka qeybgalka doorashooyinka Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, waxaana Xukuumaddu ay fulisay mid kamid ah qodobadii ugu adkaa, oo ahaa dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah oo la ansixiyay maanta.

Guddiga TPEC ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen dhameystirka doorashooyinka qof iyo codka ah ee shacabka Puntland kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya golayaasha deegaanka degmooyinka, xilli 25-October-2021 ay shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn doorteen xildhibaanada heer deegaan.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS