Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku eedeeyay Puntland inay colaad ka hurinayso deegaano hoostaga degmadda Boocame ee gobalka Sool.
Wasiir Saleebaan Koore oo ka hadlay deegaanka Tukaraq, ayaa xusay in Puntland ay daba ka riixeyso maleeshiyaad beeleed, lagu daabulay deegaanka Galalab oo kamid ah degmadda Boocame.
“Waxaa muuqata in nabadgelyo darro la wado, oo ay ka imaanayso deegaannada aaga Garoowe, oo ciidammo lagu soo humayo deegaanka Boocame. dagaal ku baaqi maayo laakiin dad shicibka ah ee deegaamadaas degan waa dad Reer Somaliland ah.”
Waxaa uu sheegay in aysan Somaliland gacmaha ka laaban doonin dagaal ka dhaca Boocame, ayna Ciidanka Somaliland ku biiri doonaan, haddii aysan Puntland ka waantoobin hurinta colaada.
Degmadda Boocame ayaa kamid ah deegaannada kooban ee gobalka Sool, ee ay gacanta ku heyso Puntland, Waxaana hadalka Wasiir Koore uu imaanayaa xilli Puntland ay horey ugu eedeeysay Somaliland hurinta colaada deegaannada Saax-maygaag iyo Sange-Jebiye ee Boocame.
BOSASO ONLINE