Wafti uu hoggaaminayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley ayaa gaaray caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Danjire Richard iyo MW Biixi ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr, kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin doorashooyinka Somaliland iyo is afgaradkii Somaliland la gaadhay dowladda Itoobiya, ee taabanayay xeebaha Soomaaliya, kaas oo si adag ay uga hortimid DFS, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hargeysa.
“Dooda muqdisho ee ah marka uu hirgalo heshiiska isfahan ee Somaliland iyo ethiopia, waxa xoogaysanaysa Al-shabaab, kaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo, waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabadgelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dawladaha afrika ee xornimada ka qaatay Isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii Isticmaarka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
BOSASO ONLINE