Sawirro: Xuska maalinta caalamiga ah ee Naafada oo lagu qabtay Garoowe

Xuska Maalinta caalamiga ah ee naafada oo sanad walba la weyneeyo 3 December ayaa lagu qabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qabanqaabisay Dallada Ururrada naafada Puntland [PDOND], waxaana kasoo qeybgalay Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Haweenka, wakiil ka socday Hay’adda Save the Children iyo masuuliyiinta sare ee Dallada PDON.

Boqolaal dad oo isugu jira dadka bulshada qeybaheeda kala duwan iyo masuuliyiin dowladeed ayaa kasoo qeybgalay munaasabadda, oo intii ay socotay lagu soo bandhigay farshaxamo, buug iyo cunooyin sheekada Nawaal Cawil oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Guddoomiyaha Dallada Ururrada naafada Puntland ee PDON, Cali Cabdi Aadan oo munaasabadda furay ayaa ku dheeraaday ahmiyada maalintan ay u leedahay dadka baahiyaha gaarka ah leh, isagoo xusay in ay ka go’an tahay xoojinta dadaallada loogu qareemo dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa u hambalyeeyay dadka leh baahiyaha gaarka ah, waxaana uu madasha xafladda ka ballanqaaday in Wasaaraddu bixin doonto waxbarashada Cabdirisaaq Axmed oo ah wiil aragga naafo ka ah, kaas oo xuska maalinta caalamiga ah ee naafada kusoo bandhigay gabay uu kaga hadlayay in dadka leh baayaha gaarka ah ay lamid yihiin bulshada,

Ugu dambeyn, Xildhibaan Mowliid Abkey oo kamid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sheegay in dadaal badan gelinayaan siddii loogu qareemi lahaa dadka baahiyaha gaarka ah leh, loona raadin lahaa xuquuqaadka kaga maqan dowladda.

   

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS