Sawirro: Wasiiro cusub oo maanta lagu dhaariyay Madaxtooyada Garoowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu Madaxweynuhu magacaabay kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal Cabdiqani Maxamed Nuur, ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Mudane Maxamed Cabdiwahaab Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Cabdi Faarax Juxa.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Wasiirada cusub Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS