Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Salah Jama, ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey kaalmada Mareykanku uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha bani’aadamtinimada oo xiligan kamid ah kuwa ugu mudan ee u baahan in wax laga qabto.
BOSASO ONLINEÂ