Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib guul-daraddii kasoo gaartay tartankii doorashadii Madaxweynaha 10-aad ee JFS ee dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweyne Siciid Deni oo kasoo kicitamay saaka caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe ayaa ka qeybgalay soo dhaweeynta Madaxweynaha.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayuu Madaxweynuhu uga hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doodashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay.
Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in markasta oo Doorasho dhacdo dadku is qoonsado, isagoo ugu baaqay bulshada reer Puntland in sidii lagu yaqaanay ay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin.
“Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaaney waa in aynu horey uga socona, laysna cafiyaa dibna aan la eegin”.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xaalad abaareed oo aad u daran ay ka jirto deegaannada Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu alle ka baryay in uu ummadiisa siiyo madar kheyr qaba.
BOSASO ONLINE