Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamze oo gaaray dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadanaysa saddex maalmood.

Waftiga Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa baahiyay in Xamze Cabdi Barre inta uu ku sugan yahay Jabuuti uu kulamo la yeelan doono madaxda sare ee Jabuuti, ayna ka wada-hadli doonaan iskaashiga labada dal.

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.”

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS