Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamze Barre oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada labada Gole ee BJFS, Wasiiro, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo marti-sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u mahadceliyay Madaxweynihii hore ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, fursada uu u siiyay u adeegista bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in howshiisu ay aheyd qabashada doorashadii dalka.

“Howsheyda kowaad waxaa ay aheyd qabashada doorashada, ka gudbida marxalada kala guurka aheyd ee dalka uu soo maray, Waxaana noo suuragashay in aan ku guuleysano.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Xamze Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS ayaa u mahadceliyay Ra’iisul Wasaarihii hore dadaalka uu galiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana uu sheegay inuu ka shaqeyn doono siddii dalka looga samata-bixin lahaa xaaladaha adag ee ka jira.

25-kii bishan June ayay aheyd markii Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ay ansixiyeen ay Ra’iisul Wasaare Xamze Barre, oo uu 15 bisha uu magacaabay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS