Garoowe (Bosaso Online) –Â Xuska maalinta caalamiga ah HIV/AIDS-ka ayaa lagu qabtay caasimadda Puntland ee Garoowe. Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda la-dagaallanka HIV/AIDS-ka Puntland ee PAC ayaa waxaa ka qeybagalay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor.
Xuska ayaa looga gol lahaa Wacyigelin bulsho, si looga hortaggo cudurka iyo fariimo lala wadaagayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda PAC, Cabdulqaadir Maxamed Axmed (Burburshe) ayaa sheegay in uu jiro koror la xiriira HIV/AIDS-ka, ayna gaarayaan dadka la diiwaangeliyay ee qaata daawooyinka 681 qof, kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Qardho iyo Badhan.
Agaasime Burburshe ayaa xusay in meesha ka baxeen dhaqaalihii ka imaan jira Hay’addaha caalamiga ah ee lagula tacaali jiray xanuunka, waxaana uu ku baaqay in la helo taageero dhaqaale oo bedeli karta deeqda caalamka ee go’ay, si loo joojiyo fiditaanka xanuunka.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ayaa boggaadiyay Hay’adda Puntland u qaabilsan ka hortaga AIDS-ka ee PAC oo soo agaasintay kulankan iyo shaqada ay u hayaan bulshada, isagoo ka hadlay muhiimadda ay dadweynaha u leedahay in wacyigalinta la xoojiyo iyo sidoo kale baaritaanka oo kor loo qaado, taasoo ka qayb qaadanaysa xakamayta cudurka.
Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in Dowladdu xoojinayso taageerada Hay’adda PAC iyo horumarinteeda, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay si buuxda u garab istaagaan Hay’adda.
Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta la ah Hay’adda PAC, Ururada Caafimaadka, Hay’addaha Caalamiga ah ee gacanta ka geysta ka hortaga faafida cudurka, iyo masuuliyiin kale.

BOSASO ONLINEÂ





