SAWIRRO: Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Xildhibaanada laga soo doortay Puntland?

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta kulan kula qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Xildhibaanada labada Gole ee BJFS ku matalaya Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu yiri “Waxaan maanta kulan miro dhal ah yeelanay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah labadiisa Aqal ku matala Puntland oo aan ka wada hadalay xaalada uu dalku ku jiro iyo sidii looga dhabayn lahaa filashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee dhismaha Dowlad Cusub oo dalka ka saarta xaaladan adag.”

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS