Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Wasiirada Arrimaha Dibedda Soomaaliya & UAE ?

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Omar Jama – Huruse ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dal iyo iskaashiga danaha labada dal. Wasiir Sheikh Abdullah bin Zayed ayaa u ballanqaaday Wasiir Haruuse in Imaaraadku uu xoojinayo taageerada dadaalada nabadda, xasiloonida iyo hormarinta Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan kamid ahaa 13 Dawladood oo ka horyimid in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, una helaan Ciidanka Soomaalidu hub casri ah.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS