Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta labada dal, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.
BOSASO ONLINE