Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Isimmada Puntland ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay qaar kamid ah isimmada dhaqanka Puntland oo ku sugan caasimadda Garoowe.

War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe looga hadlay adkeynta dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war kooban oo lagu daabacay barta Facebook ee Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii afaraad caawa ku hoyanaya Garoowe ayaa lagu wadaa inuu berri dib ugu laabto caasimadda dalka ee Muqdisho, kaddib kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS