Sawirro: Maxay ka wada-hadlayaan Madaxweyne Deni & Laftagareen oo yimid Garoowe?

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Puntland, Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir. Socdaalka Madaxweyne Laftagareen oo maalmo ku sugnaan doono Garoowe ayaa yimid kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Puntland.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doono xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga labada maamul ee la xariira dhinaca siyaasadda, iyo siddii ay mowqifkooda u mideyn lahaayeen.

Kulamada Garoowe uga bilaabanaya Madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xilli maalmo kahor uu fashil kusoo dhamaaday kulan ay Muqdisho ku yeesheen Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo intiisa badan looga hadlay arrimaha Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa hada wajahaya culeys siyaasadeed oo uga imaanaya mucaaradka maamulkiisa, kuwaas oo dalbanaya in uu qabto doorasho, maadama muddo-xileedkiisu uu ku egyahay 19ka bishan December, halka isagu uu ku doodayo in hal sano ay u kordhiyeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

BOSASO ONLINE

 

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS