Sawirro: Madaxweyne Deni oo la kulmay Agaasimayaasha Guud

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Dowladda.

Sida ay baahisay Madaxtooyadda Puntland, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kala hadlay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Puntland, dardargelinta shaqada Hay’addaha Puntland u hayaa bulshada iyo ilaalinta waqtiga shaqada.

“Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta, ilaalinta xilyada shaqada iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay Tayeyn iyo Tiigsi.”

Shaqooyinka wasaaraddaha iyo hay’addaha Puntland ayaa habacsanaan badan ay soo gashay tan iyo markii Siciid Cabdullaahi Deni, uu u xir-xirtay bilo ka hor tartanka doorashada Villa Soomaaliya, oo qabsoomay 15-May, taas oo looga adkaaday Deni.

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS