Sawirro: Guddiga Amniga gobalka Mudug oo ka shiray isbaaro la dhigtay Gaalkacyo

Guddiga Amniga gobalka Mudug ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah oo looga hadlayay xaalada Amni ee gobalka, kaas oo uu Shir-guddoomiyay Guddoomiyaha gobalka Mudug Faysal Sheekh Cali.

Shirka ayaa diirada lagu saaray kantarool ay maleeshiyaad beeleed dhigteen duleedka magaalada Gaalkacyo.

War kasoo baxay maamulka gobalka Mudug ayaa lagu sheegay in Guddiga Amniga gobalka ay isla gaareen in odayaasha dhaqanka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab lagu gacan siiyo dadaalka ay doonayaan inay ku qaadaan isbaaradan.

“Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii loo dar-dar galin lahaa Amniga Gobolka, Sidoo kalena la garab istaago Isimada, Nabadoonada iyo Senetor gaa-gaab kuwaas gacanta ku haya sidii loo qaadi lahaa isbaarada Maleeshiyo ay dhigteen Degmada Gaalkacyo , ugu danbayntiina Gudoomiye Faysal ayaa soo xiray Kulanka.”

Shirkan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Isudwaha Wasaarada Maaliyada, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS