Sawirro: Deni iyo Karaash oo la kulmay dhalinyaro ka yimid Mareykanka & Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Kooxaha Kubadda Kolayga ee kala ah Metro High School oo ka dhisan Maraykanka, Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho iyo Garoowe Stars oo ka dhisan Garoowe kuwaasi oo Garoowe ku wada ciyaaray Koob kubadda Kolayga ah.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhiirrigelin heerkeedu sarreeyo u sameeyay Ciyaartooyda, oo uu kusoo dhoweeyay Madaxtooyada isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda in ay sii laba jibaaraan, maadaama ciyaarahu muhiimad gaar ah u leeyihiin kor u qaadista is dhexgalka Bulshada, nabadgelyada iyo horumarka.

Ciyaartooyda ayaa fursad loo siiyey in ay booqdaan qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay Qasriga Madaxtooyada Puntland, oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiisyada kale, Hoolalka Shirarka, xarumaha qaabilaada iyo qeybaha kale ee Madaxtooyadu ka koobantahay.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xiriirka Ciyaaraha, Ciyaartoo hore oo kubadda Kolyga ah iyo masuuliyiin kale.

Tartanka Koobka Kubadda Kolayga ee Garoowe lagu qabtay waxaa lasoo gebagebeeyay gelinkii dambe ee shalay, tartankan oo u dhexeeyay Kooxahan kala ah Metro High School oo ka dhisan Maraykanka, Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho iyo Garoowe Stars oo ka dhisan Garoowe, waxaa ku guuleysatay Koobka kooxda Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS