Hay’addaha Amniga Puntland ee gobalka Mudug ayaa kusoo bandhigay Agab ka kooban walxaha qarxa iyo gaarigii wadday, oo ay gacanta ku dhigeen.
Agabkan laga sameeyo walxaha qarxa oo lagu qabtay degmada Goldogob, ayaa la doonayay in lagu waxyeeleeyo Amniga iyo hormarka bulshada Puntland, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobalka Mudug.
Guddoomiye Faysal Sheekh Cali oo Shir-guddoomiyay kulan deg-deg ah oo looga hadlayey Amniga ayaa xusay in khubarada ku takhakhustay qaraxyadan ay sheegeen in agabkan laga sameyn karo ilaa 150 qarax.
Waxaa uu sheegay inay laamaha Amniga iyo masuuliyiinta gobalka Mudug u taagan yihiin la-dagaallanka iyo ka hortaga argagixisada cadowga ku ah nabadda iyo hormarka bulshada.
BOSASO ONLINE