Sawirro: Boqortooyada Baxrayn oo ballanqaad u sameysay Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo Bani’aadanimada ee Madaxweynaha DFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhambaal uu ka sidday Madaxweynaha gaarsiiyay Boqorka Baxrayn, Xamad Bin Ciise.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dhambaalka oo uu Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud uga hadlayo xaalada abaareed ee ka jirta dalka, uu ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Baxrayn ahna dhaxal-sugaha Boqortooyada

“Waxaan maanta dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Dawlada Federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan gurmadka abaaraha gaarsiiye Boqorka Dalka Baxrayn, Xamad Bin Ciisa.”

“Dhanbaalka oo uu iga guddoomay Raysalwasaaraha dalka, ahna dhaxal sugaha Boqortooyada, Salmaan Bin Xamad, ayaan faahfaahin dheeri ah ka siiyey xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha ku yeelatay in ka badan 7 malyan oo Soomaalia ah, iyo sidii ay dawlada Baxrayn gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha.”

Warsame ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Salmaan Bin Xamad uu ballanqaaday in Baxrayn ka qeyb-qaadan doonto gurmadka abaaraha.

“Raysalwasaaraha wuxuu ballan qaaday in ay dawladiisa gacan ka gaysan doonto gurmadka abaaraha, wuxuu kaloo dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyeeyey xasuqii ay argagexisada Shabaab ka gaysteen Gobolka Hiiraan.”

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS