Sawirro: Baarlamaanka Puntland oo xasaanad-siiyay 26 Wasiir

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhigga 50-aad ee Golaha, kaas oo codka kalsoonida ah loogu qaaday 26 Wasiir, Wasiir kuxigeenno iyo Wasiiru-dowlayaal, uu magacaabay bilihii lasoo dhaafay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ay soo xaadireen 49 Xildhibaan, uuna shir-guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ugu horeyn Taariikh nolaleedka xubnaha Xukuumadda ee hortagay Golaha. Waxaana intaas kaddib loo qaaday cod-gacan taag ah.

48 Xildhibaan ayaa oggalaatay xasaanada-siinta Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru-dowlayaasha, halka uu diiday 1 Mudane, Mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Hoos ka Akhriso magacyada 26 xubnood ee xasaanada ay siiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

1. Axmed Yaasiin Saalax
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda DPL

2. Axmed Yuusuf Qahar ( Labayk )
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda DPL

3. Rashiid Maxamuud Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda DPL

4. Jamaal Carab Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL

5. Drs. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska DPL

6. Dr. Caarshe Maxamed Siciid Aw Muuse
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL

7. Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe)
Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha DPL

8. Cabdalle Cali Maxamed ( Xashaawe)
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL

9. Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL

10. Khadar Faarax Maxamed
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL

11. Xassan Cabdalle Xassan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL

12. Leylo Cabdi Cartan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL

13. Aamino Maxamed Cabdullahi
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska DPL

14. Cali Cumar Carshe
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda DPL

15. Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda DPL

16. Qaasim Maxamed Yuusuf
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha, iyo Gaadiidka Badda DPL

17. Cabdulqaadir Maxamed Suleymaan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL

18. Shaakir Maxamed Guuleed
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL

19. Nuur Shiikh Daahir Shiikh Nuur
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha DPL

20. Axmed Ibraahim Cawaale
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare DPL

21. Cabdinaasir Aadan Gows
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DPL

22. Mustafe Cabdifitaax Maxamed
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL

23. Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL

24. Yuusuf Axmed Maxamuud ( Barre Faatax)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL

25. Maxamuud Ismaaciil Jaamac ( Ciyoon)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL

26. Cabdullahi Maxamed Ciise ( Qoor-dhuub)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS