Madaxa Barnaamijyada ee waaxda Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Ayuub Hudeyfi ayaa ka warbixiyay kormeer ay ku tageen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dakhliga iyo xisaabaadka gobalka Nugaal, masuuliyiinta Wasaaradda oo uu horkacayo Wasiir Xasan Shire Cabdi.
Ayuub Hudeyfi ayaa sheegay in kormaarka Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, uu la xariiray u kuurgalida shaqada xafiisyada Wasaaradda ee gobalka Nugaal ay u hayaan shacabka Puntland.
Wasiirka Maaliyadda ayuu sheegay inuu warbixin ka dhageystay maamulayaasha xarumaha uu kormeeray, ayna uga warbixiyeen halka ay marayso shaqada Wasaaradda ee heer gobol iyo dar-dar gelinta canshuurha.
“Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa ku amaanay mas’uuliyiinta dakhliga ee kala duwan kulana dar-daarmay inay sii laba jibaaraan shaqada Dakhliga Isla markaasna ay xoojiyaan dardar galinta” ayuu yiri Madaxa Barnaamijyada ee waaxda Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Gobolka Nugaal ayaa sameeyay koror Dakhli oo lugu amaanay iyadoo ay Soo bandhigeen qorshayaasha hortabinta u leh dardar galinta Dakhliga ee bilaha ku dhiman Sanadka 2022.
BOSASO ONLINEÂ