Saddex maamul goboleed oo xalay shir xasaasi ah ku yeeshay muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir u dhexeeyey maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Jubbaland, kaas oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, islamarkaana looga hadlay xaalada Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa wuxuu u dhexeeyey guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaas oo ka arrinsaday xaaladda taagan, gaar ahaan dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa qaban qaabada shirkaan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Luqmaan Xaaji Maxamed oo kulanka ku casuumay dhiggiisa maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo iyagana ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Saddexda guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada-hadlay iskaashiga goleyasha baarlamanada dowlad goboleedyada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqeynta dhexdooda ah.

“Gudoomiyeyayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa kulan ku yeeshay caasimada Dalka ee muqdisho. Kulankaan oo uu Soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Mohamed ayaa looga hadlay Iskaashiga Golayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada, Arrimaha Doorashoyinka Dalka iyo wada shaqeynta Golayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada iyo Golayasha Sharci Dejinta Qaranka ee Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka BJFS,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay saddexda maamul goboleed.

Shirkan ayaa qayb ka noqonaya kulamada siyaasadeed ee haatan ka socda magaalada Muqdisho, walow ay ka maqnaayeen labada maamul ee Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS