Muqdisho (Bosaso Online) – Sida ay heshay Bosaso Online, Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa u magacaabay Agaasime kuxigeenka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ‘Saadaq Cumar Xassan oo ku magac dheer Saadaq Joon.
Saadaq Joon ayaa ahaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS. Magacaabistiisa ayaa ku timid soo jeedinta Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Sodog u ah (gabdhiisa uu qabo) Saadaq Joon.
Waxaana magacaabistiisu imaanaysaa xilli uu culeys siyaasadeed dareemayo MW Xassan oo kusoo jabay aagag siyaasadeed iyo dagaalkii argagixisada.
NISA ayaa hadda waxaa hoggaamiya Cabdullaahi Sanbaloolshe oo isna ahaa kahor magacaabistiisa, Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka BJFS. Saadaq Joon ayaa saaxiib dhow ay yihiin Sanbaloolshe oo horey dalka ugu soo celiyay, sababna u ahaa in uu kusoo biiro hay’addaha Amniga Muqdisho.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in keenista Saadaq Joon – ay la xiriirto in loo adeegsado caburinta siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho iyo xubno kale oo kusoo wajahan, kuwaas oo diidan maamulka Xassan Shiikh.
Joon ayaa lagu xasuustaa in April 2021, uu ka horyimid qorshihii Madaxweynihii hore ee DFS, Maxamed Farmaajo ee doorasho qof iyo cod ah, xilli uu ahaa Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Banaadir.
BOSASO ONLINE