Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamza Abdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdad, halkaas oo kulan kula yeelan doono dhiggiisa Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamze iyo Al-Suudaani ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.”
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.”
Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa u baxay safaro kooban oo dibedda ah, waxaana badi uu ku tagay dalal carbeed oo dano badan aysan hadda wadaagin Soomaaliya, marka laga reebo wadanka Masar oo safaradii uu ku tagay ay ku qotomeen arrimo qoys, maadama carruurtiisu kunool yihiin.
BOSASO ONLINEÂ