Rooble oo u amba-baxay Imaaraadka Carabta, kuna wareejiyay lacag laga qabtay 2018

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Roble ayaa u amba-baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casuumaad uu ka helay Dowladda Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeybgalaya tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan, oo dhowaan geeriyooday, sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa gaarsiin doona Madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayed, hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale lagu sheegay in XFS ay maanta ku wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, taas oo garoonka diyaaradaha Muqdisho looga qabtay sanadkii 2018kii. Waxaana bishii Janaayo fasaxan lacagtan oo ku jirtay bangiga DFS Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala  hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.”

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS