Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan, Shinzo Abe ayaa lagu toogtay fagaare uu ka jeedinayay khudbad oo ku yaalla magaalada Nara, iyadoo xaaladiisu ay aad u liidato.
Shinzo Abe ayaa la sheegay in rasaastu ka haleeshay xabadka, waxaana loola cararay isbitaal. Abe ayaa ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu mudada dheeraa ee soo mara Japan.
Ciidammada Amniga ayaa xiray nin looga shakisan yahay inuu riday rasaasta.
67 sano jirkan ayaa ku guda jiray olalaha doorashada Japan, si guulo uu u xaqiiyo xisbigiisa the Liberal Democratic Party (LDP).
BOSASO ONLINEÂ