Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, magacaabista iyo in uu kasoo xushay boqolaal kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo u ordaya qabashada xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Xamse Barre oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xusay in uu soo dhisi doono Xukuumad Tayo leh, oo dalka ka samata-bixisa marxalada adag ee uu marayo, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan.
BOSASO ONLINE