Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka warbixiyay khilaafkii soo ka dhaxeeyay isagga iyo Madaxweynaha doorashada looga guuleystay ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmartay Madaxweyne Farmaajo, intii uu xafiiska joogay, aysana jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay.
“Madaxweyne Farmaajo wada shaqeyn fiican iyo walaaltinimo baa nasoo dhexmartay, balse bini’aadam baa la yahay oo ilko iyo carab baa dad isugu dhow, wayna is qaniinaan, waana sheegay oo dhibka Soomaaliya heysta waa mulkiilaha.”
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Mudane Hassan Sheikh Mohamud, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo igmaday.
Mohamed Hussein Roble ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, oo lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.
BOSASO ONLINE