Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS oo maanta hortagaya Xildhibaanada BJFS

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta oo sabti ah codka kalsoonida ah u qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Xamze Cabdi Barre.

Farriin loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka oo ka dhacay xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa.

“Beri oo  Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha  magacaaban. Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa  Hargeisa. Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo”.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaalo ku aadan in uu helo codka kalsoonida ah ee Golaha Shacabka BJFS, oo uu xubin ka yahay. Waxaana uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada, iyo xubnaha saameynta ku dhex leh, sida Madaxweynayaashii hore ee DFS Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAND TIMES

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS