Puntland oo sheegtay in dad badan ay qarka u saaran yihiin macluul daran

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa sheegay in abaar adag ay ka jirto qaar kamid ah deegaannada Puntland.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Garoowe, ayuu ku sheegay Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi in abaartu ay saameysay dad fara-badan, kaddib markii ay sannadihii lasoo dhaafay yaraadeen Roobabku, uusana hadda si wanaagsan uga di’in Gu’gu.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in meelaha abaarta daran ka jirto ay kamid yihiin goballada Bari, Nugaal, Sanaag, Gardafu iyo Karkaar, oo kamid ah sagaalka gobal ee Puntland, isagoo intaas ku daray inay ka jirto biyo iyo cuna yari, dhowaan isku bedeli karta macluul.

“Meelaha uusan ka di’in Roobku, waxaa ugu badan goballada Bari, Gardafu, Karkaar, Nugaal iyo Sanaag, arrintaasna waxaa ka dhashay biyo la,aan, raashin yari iyo nafaqo darro saameysay carruurta, dadka waayeelka ah, dadka naafadda ah iyo guud ahaan dadkii xoolaha ku noolaa.”

Ugu dambey, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Puntland ayaa sheegay inay wadaan qorshe dadkaas lagu gaarsiinayo gargaar deg-deg ah, waxaana uu ugu baaqay bulshada Hay’addaha caalamiga ah, bulshada reer Puntland iyo guud ahaan Soomaalida inay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS