Boosaaso (Bosaso Online) Ciidamada Puntland ee ku jira howlgalka ciribtirka argagixisada ee Hillaac ayaa gacanta ku dhigay xubin ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish, kaas oo ka dagaalamayay buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Ninkan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ku sheegay magaciisa Xasan Atar, waxaana xilliga la qabanayay uu biyo kasoo doontay Ceel biyood ku yaalla aaga Togga Miraale, oo maalmo kahor ay ciidamada Puntland ka sifeeyeen maleeshiyaadka kooxda Daacish. Waxaanna uu ku hubeysnaa qori AK-47 ah.
Inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, haddana Hay’addaha Amniga Puntland waxay sheegeen in ninka uu bixiyay xog muhiim ah. Sarkaal katirsan ciidamada ayaa u sheegay BO in macluumaadka laga helay ninkan ay kamid tahay tirada maleeshiyaadka harray ee Daacish iyo cidda ah hoggaaminaysa ee joogta aagga dagaalka.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa axaddii ku dhawaaqay in uu soo idlaaday wajigii 3aad ee Howlgalka oo socda in kabadan lix bilood, iyadoo maanta si rasmi ah loo aaday wajiga 4aad oo ah mid lagu sifeynayo firxadka argagixisada ee harray.
Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta ayaa si toos ah Puntland uga taageeraya howlgalka, waxaana maalin kahor Taliska ciidamada Puntland uu baahiyay muuqaal muujinaya mid kamid ah diyaaradaha ciidamada Mareykanka oo saanad ciidan iyo raashin u daadinaysa askar katirsan ciidanka Puntland oo ku sugan buuraha sarre ee Togga Baallade’e, oo ah aag aysan geli karin gaadiidka ciidamadu.
Sidda uu ka sheegay MW Deni furitaanka Kalfadhigga 56aad ee Baarlamaanka – Puntland ayaa dagaalka ku heshay saaxiibo caalami ah.
“Puntland, Taariikhdeeda laguma hayo Argagixiso ay dugsatay, duniduna waa noo soo istaagtay, dadka Soomaaliyeedna waxaan rabnaa in laysku tashado oo laga adkaado Argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
BOSASO ONLINE