Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa beeniyay in shirkad gaar loo leeyahay ay la wareegtay Amniga Dekedda magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland.
Wasiir Axmed Yaasiin oo dhowaan hortagay Baarlamaanka Puntland ayaa wax laga weydiiyay warar soo baxayay maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo la xariira in shirkad gaar ah lagula heshiiyay sugida Amniga Dekedda.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin shirkad gaar ah oo lagu wareejiyay Amniga Dekedda, balse shirkadda DP World ay masuul ka tahay istaafka shaqaalaheeda ka howlgallaya dekedda iyo Ciidanka Amniga Dekedda qaabilsan, kuwaas kamid ah Ciidammada Amniga Puntland
“Ma jirto shirkad kale laakiin shirkadda dhismaha Dekedda ayaa masuul ka ah istaafka shaqaalaha iyo ciidanka Amniga dekedda qaabilsan, ciidanku waa ciidankii Puntland.” ayuu yiri Wasiirka Dekeddaha Puntland.
Xukuumadda Puntland ayaa shaaciyay inay dib-u-eegis lagu sameeyay heshiiskii Dekedda Boosaaso ee sannadkii 2017kii, iyadoo shirkadda P&O laga wareejiyay, si rasmi ahna ay ula gashay heshiiska ballaarinta iyo dayactirka Dekedda shirkadda DP World.
BOSASO ONLINE