Puntland oo baaris ku sameynaysa xoolaha lagu qalo deegaanadeeda

Puntland ayaa shaacisay inay baaris caafimaad ku sameynayso xoolaha lagu qalo deegaannada Puntland, si looga hortago cudurrada laga qaado hilibka xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe) oo dhowaan hortagay Baarlamaanka Puntland ayaa xusay in Wasaaradda oo kaashanaysa Dowladdaha hoose ay diyaarisay dhakhaatiir ka howlgalaya seyladaha xoolaha, kuwaas oo baaris ku sameynaya xoolaha la keeno si loo hubiyo caafimaadkooda.

Wasiir Libaaxe ayaa sidoo kale sheegay in neefkii caafimaadkiisu wanaagsan yahay la siin doono shahaado, loona gudbin doono goobaha lagu qalo “KAWAAN”, halka kii xanuunsanayana dib loo celin doono.

“Xoolaha waxaa la keenayaa suuqa qof dhakhtar ah ayaa jooga, caafimaadkooda ayuu hubinayaa, sambal baa laga qaadin sheybaarka ayaa la geynayaa, waa lagu baarayaa, neefka xanuunsan waa la celinayaa, kii kalena shahaado la siinayaa, wuxuuna aadayaa gowraca.” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland.

Xoolaha oo kamid ah tiirarka ugu waa weyn ee nolasha bulshada Soomaaliyeed ayaa sannadihii u dambeeyay wajahayay duruufo adag oo ka dhashay abaaraha soo laab-laabtay, kuwaas oo sababay inay la daris noqdaan xanuuno.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS