Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa kulan kula qaatay caasimadda dalka Addis Ababa Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dhenge Boru Kosi.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay hormarinta duulimaadyada iyo xoojinta Iskaashiga Puntland iyo Itoobiya, sida uu sheegay Wasiir Lugatoor oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.
“Waxaa maanta kulaan muhiim kula qaatay Dalka Ethiopia Minister Of Transport And Logistics Ethiopia Mr Dhenge Boru Kosi.”
“Kulaankas ayaa waxaa kaaga wada hadalney sidii loo horumaarin lahaa duulimad-yada iyo Sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia, Iyadoo ay jiri doonan kulaamo kale oo ugu wada hadli doono Duulimadyada iyo Arrimaha Garoomada.”
Diyaaradaha Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa dulimaadyo ka sameeya garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland ‘Garoowe iyo Boosaaso’. Wasiirka ayaa xusay inay jiri doonaan kulamo kale oo looga wada-hadli doono arrimaha garoomada.
BOSASO ONLINEÂ