Boosaaso (Bosaso Online) In kabadan 10 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish ayaa lagu dilay duqeyn isniintii ka dhacday buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari ee Puntland, taas oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.
Goobaha duqeynta Mareykanku ka dhacday ayaa waxaa ka socda howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish, oo ay fulinayaan ciidamada amniga Puntland, kuwaas oo kusii siqaya saldhigyadii u dambeeyay ee kooxda Daacish ku leedahay Togga Miraale ee buuraleyda Cal-miskaad.
Muuqaal uu baahiyay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa muujinaya maleeshiyaad katirsan argagixisada Daacish oo la duqeynayo, xilli ay kasoo baxeen god weyn oo loo maleynayo in ay ku lahaayeen shir xubnaha muhiimka ah ee kooxda.
Washington ayaa xustay in tan iyo imaanshihii xafiiska ee Madaxweyne Trump la dilay ilaa 100 xubnood oo argagixiso ah.
Maalmo kahor, Howlgal cir iyo dhul oo ay sameeyeen ciidamada Difaaca Puntland oo taageero ka helayo Imaaraatka Carabta iyo Mareykanka ayaa lagu khaarajiyay Tobanaan kamid ah firxadka argagixisada Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare sidda Madaxii Arrimaha Dibedda ee argagixisada Daacish, Axmed Muuse Siciid oo ahaa Soomaali kasoo jeeda deegaannada Puntland.

Axmed Muuse oo muhiim u ahaa joogista kooxda Daacish ee buuraleyda Bari ee Puntland, ayaa lagu dilay weerar toos ah oo ciidamada Puntland ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen isaga iyo xubno kale oo katirsan Daacish.
Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee Hillaac oo ku guda jira wajigiisii 3aad ayaa maraya meel gabagabo ah. Puntland ayaa sheegtay in soo gabagabeynta howlgalkan uu xigi doono duullaan kale oo ciidamadeedu ku qaadi doonaan buuraleyda Cal-madow oo ay saldhigyo ay ku leedahay kooxda Al-Shabaab.
BOSASO ONLINE