Paul Kagame oo doonaya in 20 sano oo kale uu sii xukumo Rwanda!

Hoggaamiyaha dalka Rwanda, Paul Kagame ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono inuu xafiiska sii joogo 20 sano oo kale.

Paul Kagame oo wareysi siiyay FRANCE 24 TV, ayaa xusay inuu mar kale isu soo taagi doono madaxweynenimada doorashada soo socota ee 2024-ka.

Sannadkii 2015-kii ayuu beddelay dastuurka, isagoo u oggolaaday inuu sii joogo illaa 2034-ka. Natiijada doorashadii u dambeysay ee ka qabsoomtay Rwanda 5 sano kahor, ayaa muujinaysa in 99% uu ku guuleystay ‘Kagame’ codadka doorashada.

Mr. Kagame oo ah 64 sano jir, lana wareegay xafiiska sare ee Rwanda sannadkii 2000, ayaa dalkiisa qabsaday xilli uu ka dhacay xasuuq ba’an, isagoo ku hoggaamiyay in Dib-u-heshiisiin rasmi ah ay ka dhacdo, sidoo kalena waddanku uu u jiheysto hormar iyo kobac dhaqaale oo baaxad weyn.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ku eedeeysay Paul Kagame inuu caburin ku hayo siyaasiyiinta iyo shacabka Rwanda, sidoo kalena uu abuuray nooc cusub oo kali-talisnimo.

“Rwanda waa waddan ay aad iyo aad u khatar badan tahay in dowladda laga soo horjeesto, iska daa in uu noqdo mucaarad siyaasadeed. nidaamkan kali-taliska ah waxa uu noqonayaa nidaamka mustaqbalka dhow,” ayuu yiri Lewis Mudge, oo ah Agaasimaha Bartamaha Afrika ee HRW.

Madaxweyne Kagame ayaa si adag u difaacay kaalinta dalkiisa ee ilaalinta xaquuqda aadanaha, xilli uu ka jeedinayay khudbad shirkii dalalka barwaaqo sooranka ee bishii June, ka dhacay caasimadda Rwanda ee Kigali.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS