Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi ciidan ah oo shan sano ah ku riday odayaal, heshiis kula galay kooxda Al-Shabaab degmada Xarardheere ee koonfurta gobalka Mudug ee Galmudug, kahor intii aan Al-Shabaab laga qabsan 16kii bishan.
Odayaasha oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed Jimcaale (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa 27kii December, 2022 laga soo qabtay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, waxaana loosoo gudbiyay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo 18kii bishan Janaayo ay ka bilaabatay Maxkamadeyntoodu.
Odayaasha ayaa intii ay socotay Maxkamadeyntoodu ku dooday in heshiiska ay la gaareen Al-Shabaab ay wakiil uga ahaayeen beeshooda. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in Boolisku ay isha ku hayaan odayaashan.
Dawladda Soomaaliya ayaa mamnuucday la macaamilka AlShabaab, taas oo meesha ka saaraysa heshiisyadii ay kooxdu la geli jireen beelaha Soomaaliyeed qaarkood. sidoo kale, Dawladda ayaa dagaal saddex jiho ah ku qaaday kooxda, kuwaas oo ka kooban Milateri, dhaqaale iyo afkaarta.
Al-Shabaab ayaa hada laga saaray degmooyin iyo deegaano muhiim u ahaa kooxda oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana kamid ah degmooyinka Xarardheere iyo Aadan Yabaal oo alshabaab gacanta ku heysay in ka badan 10 sano.
Abdirashid A. Warsame
BOSASO ONLINE